Saldhiga labaad ee ugu weyn ciidanka badda Puntland oo laga hirgelinayo degmada Laasqoray

Cutubyo tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa lagu wadaa in dhawaan loo daabulo degmada xeebeedda Laasqoray ee gobolka Sanaag oo dhacda badda Cadmeed.

Ilo wareedyo amni oo xaqiijiyay Warkan ayaa sheegaya in ciidanka badda Puntland ee PMPF uu saldhig Rasmi ah ku yeelanayo degmada Laasqoray, halkaasi oo dhawaan loo daabulayo cutubyo gaashaaman oo ka tirsan PMPF.

Wararka ayaa tilmaamaya in degmada Laasqoray laga hirgelinayo saldhiga labaad ee ugu weyn oo ay lee yihiin ciidanka PMPF marka laga yimaado kan Boosaaso, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee xeebaha degmadaasi.

Tallaabadan ayaa imaanaysa wakhti dowladda Puntland isu diyaarinayso Hawlgalkii la baxay ONKOD ee ciribtirka mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab, kaasi oo ciidamada Puntland ka fulinayaan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST