
Kooxo mileeeshiyo beeleed ah oo hubeysan ayaa muddo dhawr cisho ah haysta xarumaha adeegyada bulshada ee degmada Godob-Jiiraan ee gobolka Nugaal. Xarumaha ay la wareegeen waxaa ka mid ah xafiiskii dowladda hoose, isbitaalka iyo ceel biyoodka oo ay saaka sii daayeen.
Kooxdaan oo Warbaahinta ka hadlay ayaa sheegtay in xukuumadda Puntland ay bixin weyday magdhow la xiriira nin ka tirsan qoyskooda oo ay ciidamada dawlada dhaawaceen. Waxay dowladda ku eedeeyeen inay ka baxday ballan hore oo ku saabsan daryeelka iyo magdhowga ninka la dhaawacay.
Dhinaca kale, odayaasha degmada Godobjiraan ayaa ku hawllan xal u raadinta tabashadan si kooxda hubaysan looga saaro xarumaha dowladda ee degmadaasi, halkaasi oo ay xanniban yihiin adeegyadii loo qaban jiray dadweynaha, maadaama kooxdu xirtay xarumihii adeegyada danta guud.
PUNTLAND POST