Madaxweyne Deni: Villa Somalia waxay dalka ku waddaa burbur aan soo kabasho lahayn

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay jeediyay khudbad ku saabsan Xuska sannad-guuradii 27 ee ka soo wareegtay as-aaskii Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gaar ahaan arrimaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni, wuxu shacabka Puntland ugu hambalyeeyay xuska Munaasabadda 1-da Agoosto, waxaana uu bogaadiyay midnimada iyo wadajirkii ay ku wajaheen Hawlgalkii ciribtirka Argagixisada Daacish, kaasi oo wakhtigan geba-gabo maraya, kaddib markii la wiiqay awooddii mileeshiyaadkii Calmiskaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo Hawlgalka Calmadow ee buuraha gobolka Sanaag lagaga sifaynayo mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab, waxaana uu ugu bishaareeyay ciidamada difaaca Puntland ee difaaca kaga jira buuraha Calmadow in ay ku soo biiri doonaan ciidamadii hore u fadhiyay Calmiskaad ee ku soo guulaystay Ciribtirkii Daacish.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ka gaabisay dagaalkii argagixisada, islamarkaana wuxu sheegay in ay abuurtay dagaallo siyaasadeed oo ku salaysan dano, isagoo si gaar ah u xusay dagaalladii ka dhacay degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Halkaan ka daawo Khudbadda

PUNTLAND POST