
Xukuumadda Puntland ayaa go’aansatay in ay mar kale bilowdo hawlgal raaf ah oo lagu qab-qabanayo Soogalootiga Ajaanibta ah ee ku qulqulaya gudaha Puntland, sidaan ka xiganay mas’uuliyiin dowladeed.
Dowladda ayaa tallaabadan go’aansatay, kaddib markii dhawaanahan Puntland wajahday mawjado Soogalooti ah oo ka imaanaya dhinaca Itoobiya, kuwaasi oo si xawli ah ugu qulqulaya magaalada Boosaaso iyo degaannada ku xeeran oo uu ka socdo Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish.
Bilowgii Hawlgalka Calmiskaad, warbixino amni oo la helay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Soogalooti badan oo ka yimid dhinaca Itoobiya oo ku biiray mileeshiyaadka Daacish oo markaasi aad u xooggana, taasi oo Puntland ku riixday in ay raafto boqollaal Soogalooti ah oo u dhashay Itoobiya.
PUNTLAND POST