
Baarlamaanka Puntland oo maanta soo saaray go’aan gole ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Gobollada Sanaag iyo Haylaan, taasi oo sababtay xasilooni darro, qalalaase Amni iyo dhibaatooyin kale.
Baarlamaanka Puntland wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay si ula kac ah isku-dir iyo kala-qaybin siyaasadeed, mid dhaqan iyo mid Bulshaba uga dhex abuurtay beelihii ku mideysnaa difaaca degaanada SSC, taasoo khatar ku ah wadajirka bulshada iyo nabadgelyada degaanka, waxaana uu si cad u muujiyay in mas’uuliyadda dhabta ah ee ka dhalatay falalkaas sharci-darrada ah ay dusha u saaran tahay Villa Somalia.
Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale cambaareeyay duullaanka sharci- darrada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday Gobolka Gedo ee Juballand, waxaana uu tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda Jubaland iyo shacabkii ku waxyeelloobay dhibkaasi.
Dhinaca kale, Golaha ayaa walaac xooggan ka muujiyay culeyska joogtada ah ee Argagixisadu ku hayso shacabka iyo ciidanka difaaca ee ku sugan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ee Hirshabeelle, wuxuuna si cad ugu dhaliilay arrintaasi dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guuldarraysatay taageerada iyo taakuleynta dadka degaanka iyo ciidamada difaaca.
Baarlamaanka Puntland wuxuu sidoo kale bogaadiyay ciidamadda difaaca Puntland ee hawlgalka ciribtirka Argagixisada ka wada Buuraha Calmiskaad, kaasi oo hadda maraya marxalad gebo-gebo ah, kaddib markii argagixisada laga sifeeyay dhammaan degaannada Calmiskaad, inkastoo ay weli ku go’doonsan yihiin meelo kooban oo Boosaaso u dhaw.
Halkaan ka akhriso go’aanka Baarlamaanka


PUNTLAND POST