
Boqollaal Soogalooti ah oo ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa dhawaanahan si xawli ah ugu qulqulaya dhinaca magaalada Boosaaso iyo degaannada ku xeeran oo qaarkood uu ka socdo hawlgalka ciribtirka argagixisada.
Soogalootiga oo u badan qowmiyadda Oromada ee Itoobiya ayaa si maalinle ah u maraya laamiga dheer ee Garoowe iyo Boosaaso, halkaasi oo ay uga sii gudbaan magaalada Boosaaso, sida laga soo xigtay ilo wareedyo xogtooda la socda.
Dowladda Puntland oo horay u joojisay qulqulka Ajaanibta, kaddib markii uu bilowday Hawlgalka Calmiskaad ayaa markan wajahaysa mawjado Soogalooti ah oo ka imaanaya Itoobiya, kuwaasi ku sii jeeda Boosaaso iyo degaannada ku xeeran ee uu ka socdo wejigii 4aad ee Hawlgalka.
Bilowgii Hawlgalka Calmiskaad, warbixino amni oo la helay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Soogalooti badan oo ka yimid dhinaca Itoobiya, kuwaasi oo ku biiray mileeshiyaadka Daacish oo markaasi xooggana, taasi oo Puntland ku riixday in ay joojiso qulqulka Muhaajiriinta.
PUNTLAND POST