
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ku sugan Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu dhawaan socdaal ku aado magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne Deni, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa ku wajahan Badhan, halkaasi oo la filayo in uu shirar kula yeesho salaadiinti dhaqanka gobolka Sanaag iyo bulshada degmadaaasi.
Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Laascaanood uu ka socdo Shirka dhammaystirka maamul u samaynta SSC-khaatumo, kaasi oo Villa Somalia abaabushay, si ay hal maamul ugu samayso labada gobol ee Sool iyo Sanaag.
Isimada dhaqanka gobolka Sanaag oo uu hoggaaminayo suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan ayaa horay u diiday Shirka Laascaanood, oo ay ku tilmaameen mid aysan cidna ku metelin, inkastoo ay jiraan dad ka soo jeeda Sanaag oo qeyb ka ah Shirka ka socda Laascaanood.
PUNTLAND POST