Puntland oo ka hortimid dalabkii Villa Somalia oo ahaa in ay deg deg ah ku sii dayso markabkii Hubka siday ee Sea World

Xukuumadda Puntland oo xalay warsaxaafadeed soo saartay sheegtay in ay aad uga xuntahay warqaddii ka soo baxday dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Puntland ay tahay BURCAD BADEED afduubatay Markab. 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha dowladda Pubtland gacanta kusoo dhigeen markab lagu magacaabo MV SEA WORLD, kaddib markii uu muddo ku warwareegayay xeebta Bareeda ee Gobolka Bari. Waxay tilmaameen in dhalinyaro kalluumeysato ah ay markii hore ku guuleysteen inay markabka dushiisa fuulaan, balse ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay markabka la wareegaan oo ay ka badbaadiyaan in hantida saaran ay gasho gacanta shacabka.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in Ganacsato Reer Muqdisho ah iyo Safiirka Turkiga oo la soo xiriiray isla markaana dhinac walba sheegtay shixnadda saaran Madkabka. Dowladda Puntland waxay caddeysay in dhammaan shixnadda saaran markabka MV SEA WORLD ay tahay agab ciidan (military equipment), islamarkaana aysan ku jirin wax u muuqda alaab ganacsi, taas oo beeninaysa Warkii ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa isla habeenimadii 18ka July 2025 Dowladda la soo xariiray ganacsato reer Mogadishu ah oo sheegtay shixnadda Markab saaran, rabtayna in la sii daayo Markabka. Sidoo kale, waxaa Dowladda la soo xariiray Safiirka Turkiga u fadhiya Mogadishu kadib markii ay baxay xogta Markabka asaga oo sheegay in shixnadda saaran Markabka ay leedahay Dowladda Turkiga. Sidaas darteed, ayaa Dowladda Puntland u ogaansatay in Markabka la keeno Dekadda Bosaaso si loogu sameeyo baaritaan dheeri ah.”

“Dowladda Puntland ayaa caddeynaysa in dhammaan shixnadda saaran Markabka MV Sea World ay tahay agab ciidan (Military equipment), aysanna ku jirin wax u muuqda alaab ganacsinoocay tahayba. 
Dowladda Puntland waxay wali sii waddaa baaritaanka Markabka iyo cidda iska leh shixnadda si loo hubiyo in aysan ku dhicin gacmo u horseedi kara dhibaato amni iyo xasilooni-darro Dalka Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay ku sood haweynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga in ay qayb ka noqdaan dhammeystirka baaritaan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST