Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay askari hubaysan oo weeraray ciidanka dowladda hoose ee Garoowe

Saddex askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda hoose ee Garoowe ayaa ku geeriyooday, halkay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro qof rayid ah, kaddib markii uu rasaas ku furay askari laga xereeyay bajaaj.

Dhacdadan ayaa timid, kaddib markii eedaysanaha falka geystay oo ka caraysan bajaaj looga xereeyay canshuur uu toorrey kala dhex dhacay askar ka tirsan dowladda hoose, islamarkaana uu qori ka qaaday mid kamid ah askartii goobta joogay, intaasi kadibna ciidanku isku dayay in ay qabtaan, balse uu tacshiirad ku furay.

Eedaysanaha oo baxsad ah ayaa sidoo kale is taajiyay baabuur uu watay nin shacab ah, waxaana uu darawalkii ku amray in uu isaga dego , kadibna wuxu ku baxsaday baabuurkii , waxaana hadda socda hawlgal lagu raadinayo eedaysanaha, sidan ka xigannay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga falka geystay uu ka tirsanaa ciidanka Goodir ee Booliska Puntland, balse taasi weli may xaqiijin ciidamada Booliska oo baaritaan ku haya dhacdadaasi.

PUNTLAND POST