
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hortimid xilka qaadis ay sheegeen xubno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo in ay ku sameeyeen maayirkii degmadaasi.
“Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxay caddaynaysaa in go’aankii ka soo baxay xubnaha golaha degaanka ee shalay ku shiray magaalada gaalkacyo ee sheegay in ay xilka ka qaadeen duqa degmada Gaalkacyo uusan ahayn mid waaafaqsan shuruucda lagu maamulo Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Sidaa daared, uu yahay go’aankii ay soo saareen mid aan sharciga waafaqsanayn waxba kama jiraanna ah.”
“Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixtaacaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7, Cutubkiisa 6-aad, Qodobkiisa 66-aad, farqaddiisa 3-aad, waxay ugu baaqaysaa xubnaha Golaha Deegaanka iyo maamuka Degmadaba in ay dhawraan hannaka kala dambaynta Dawliga ah aynu u diyaar garoobaan qabashada kalfadhiga golaha Deegaanka Degmada oo ay Wasaaraddu soo shaacin doonto waqtiga ku habboon” ayuu u qornaa Warsaxaafadeedka.
Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa imaanaya, iyadoo xubno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo oo shalay Shir yeeshay ay sheegeen in ay xilka qaadis ku sameeyeen maayirkii degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, kaddib markii ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST