Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca Puntland oo ka warbixiyay halka uu marayo Hawlgalka Calmiskaad

Taliyaha guud ee Ciidanka difaaca Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi oo maanta ka warbixiyay halka uu marayo Hawlgalkii ciribtirka Daacish ayaa sheegay in kooxdaasi laga sifeeyay dhammaan degaannada gobolka Bari, marka laga reebo meelo kooban oo u dhaw degmada Boosaaso.

S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi oo hadal ka jeediyay Kulan ku saabsan taageeridda Hawlgalka Calmiskaad oo maanta ka qabsoomay Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay mileeshiyaadkii Daacish ka nadiifiyaan Calmiskaad, islamarkaana wixii ka fiigay hadda ku go’doonsan yihiin meel yar oo u dhaw Boosaaso.

“Xaqiiq markan idin sheego, Daacish waa laga soo saaray Calmiskaad waxay hadda joogaan meelo yar oo u dhaw degmada Boosaaso, way i maqlayaan waxay joogaan Il-abbal, Yucrin iyo Maraagade oo dhammaantood ka tirsan degmada Boosaaso, wixii nimankaasi ka haray waxay ku go’doonsan yihiin cirifyada Boosaaso” ayuu yiri Taliyaha guud ee Ciidanka difaaca Puntland S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi.

Taliye Xaashi wuxu intaasi ku daray in ciidanka difaaca Puntland uu go’doomin dhammaystiran ku hayo wixii ka haray firxadkii Daacish ee laga sifeeyay buuraha Calmiskaad, waxaana uu yiri” Ciidanku wuxu argagixisada geliyay go’doomin awood leh oo dhinac walba ayuu ka fadhiyaa,waana uu ku sii siqaya meelaha yar oo ay ku harsan yihiin” ayuu sii raaciyay Aadan Cabdi Xaashi.

Halkaan hoose ka daawo Hadalka Taliyaha

PUNTLAND POST