
Inta badan xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo oo mooshin ka gudbiyay duqa degmadaasi, Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa ka horyimid go’aan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, kaasi oo dib loogu dhigay Kal-fadhigii golaha.
23 xubnood oo ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo, kuwaasi oo ku saxiixan mooshinkii laga keenay duqa degmada ayaa ka horyimid go’aanka wasaaradda oo ay ku tilmaameen mid khilaafsan dastuurka iyo shuruucda Puntland, islamarkaana waxay sheegeen in aysan u hoggaansami doonin go’aankaasi.
Xubnaha mooshinka ku saxiixan ayaa go’aamiyay in guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo uu shir-guddoomin doono fadhiyada golaha degaanka, maadaama mooshin xilka qaadis uu ka yaallo duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad oo ay eedeymo xooggan u jeediyay, islamarkaana doonayaan in ay kalsoonida kala laabtaan.
Tallaabadan ayaa imaanaysa, xilli xalay qoraal ka soo baxa wasaaradda arrimaha gudaha Puntland lagu sheegay in dib loo dhigay Kal-fadhigii golaha degaanka Gaalkacyo, iyadoo la tixgelinayo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee ka taagan gobolka Mudug, sida ku cad warqadda wasaaradda.
PUNTLAND POST