
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa ku wargelisay maayirka degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad in uu diyaariyo waraaq is casilaad ah, kaddib markii ay mooshin xilka qaadis ka soo gudbiyeen saddex meelood laba meel oo kamid ah golaha degaanka Gaalkacyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu maanta ka furmayo Kal-fadhiga golaha degaanka ayaa ka dalbaday maayir Daacad in uu qoro warqadda is casilaadda, maadaama aysan wasaaraddu joojin karin mooshinka lagu ridayo oo ay saxiixeen xubnihii ugu badnaa golaha degaanka.
Xubnaha mooshinka saxiixay ayaa maayirka Gaalkacyo ku eedeeyay shaqa-xumo, musuq maasuq iyo in uu u dhaqmayo sidii mas’uul la soo magacaabay, halkii uu la shaqeyn lahaa rabitaanka bulshada degaanka ee soo dooratay.
PUNTLAND POST