Wasiir Maxamed Cabdiwahaab oo shaaciyay hal qodob oo abuuray xiisadda Puntland iyo Khaatumo

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo ka hadlay xiisadda siyaadadeed ee ka dhex aloosan Puntland iyo Khaatumo ayaa shaaciyay hal qodob oo uu ka abuurmay muranka labada dhinac.

Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in hoggaanka khaatumo uu ka baxay go’aankii Puntland ku taageertay, oo ay ku dhawaaqeen isimada dhaqanka Laascaanood, ee ahaa in ay maamul gaar ah u samaysteen degaannadooda Sool iyo Cayn, haddase ay sheeganayaan degaannada Sanaag iyo Haylaan.

Wuxu sheegay in Puntland ixtiraam iyo tixgelin u muujisay go’aankii Isimada Khaatumo ee ahaa in ay maamul u gaar ah degaankooda ka samaysanayaan, balse iyagu hadda ixtiraami la’ yihiin mowqifka isimada dhaqanka Sanaag iyo Haylaan oo caddeeyay in aysan qeyb ka ahayn Maamulka Khaatumo, islamarkaana cidna ku metelin.

“Khaatumo waxaan leenahay, waad ka leexateen go’aankii isimadiina ee Puntland idinkula shaqaysay oo ahaa in aad rabitaankiina u madax-bannaan tihiin oo maamul gaar ah samaysateen, haddana waxaad sheeganaysaan Sanaag iyo Haylaan oo isimadoodu mowqif cad ka qaateen maamulkiina oo waad u ixtiraami la’ dihiin sidii la idin ixtiraamay” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

Wuxu intaasi raaciyay in Puntland diyaar u tahay in sifo sharci ah oo dastuurka waafaqsan lagu kala baxo oo aan laga warwareegin, maadaama Khaatumo sheegtay in ay maamul gaar ah noqotay, oo aysan jirin cid rabitaankooda ku diidan, haddii sifo sharci ah loo marayo kala bixidda labada dhinac.

PUNTLAND POST