Faahfaahin dhammaystiran ayaa ka soo baxaysa xogta ku saabsan markab hub sida oo mudda laba maalmood ah ku cilladaysnaa xeebaha degmada Bareedo ee gobolka Raas Casayr, kaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka badda Puntland ee PMPF.
Markabkan oo magaciisu yahay Sea World oo ku gooshaya Calanka jasiiradda Comoros, waxa uu ka soo shiraacday dalka Turkiga, waxaana uu shixnad hub ah, oo ay ku jiraan ka kooban beebayaal iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah u sidaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo laga dejin lahaa magaalada Muqdisho.
Cutub ka tirsan ciidanka badda Puntland oo baaritaan ku sameeyay markabka ayaa xaqiijiyay dhammaan xogta ku saabsan socdaalkiisa iyo shixnadda uu sido, waxaana hubin kaddib dowladda Puntland go’aansatay in markabka loo sameeyo caawinaad, maadaama uu cilladaysan yahay, sidaan ka xigannay ilo wareedyo kala duwan.
Intani waa xogtan ka soo ururinay saraakiishi amni ee baarista ku samaysay markabka Sea World iyo shixnadda uu sido, balse Ilaa iyo hadda ma jirto warbixin rasmi ah oo Puntland ka soo saartay arrinta markabkan oo hadal-hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada.
PUNTLAND POST