Puntland iyo Somaliland oo ka wada-shaqaynaya hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaaddii Ceerigaabo

La-taliye sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa mudda saddex cisho ah ku sugan magaaada Hargeysa, halkaasi oo uu shir gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, kaasi oo ay sida la sheegay ka wada-hadleen hirgelinta heshiis nabadeed oo ka dhaca magaalada Ceerigaabo.

Mas’uulkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa Madaxweyne Deni u xilsaaray in uu dib u heshiisiinta Ceerigaabo kala shaqeeyo Madaxweyne Cirro, kaddib markii dhawaan Somaliland ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay gogol nabadeed oo lagu xallinayo colaaddii ka dhacday degmadaaasi.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland oo bishii hore Shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ku ballamay in laga wada shaqeeyo hirgelinta heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyo colaaddii degmada Ceerigaabo, kaddib dagaallo halkaasi ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-khaatumo oo sababay in lagu kala qaxay magaalada.

Deni iyo Cirro ayaa sidoo kale ku ballamay in la iska kaashado hawlgalka ciidan oo Puntland ka bilaabayso buuraha Calmadow, kaasi oo lagu ciribtirayo mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, waxaana gulufkaasi oo la baxay Onkod hadda diyaarintiisu ka socota degaannada gobolka Bari.

PUNTLAND POST