
Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, ayaa wajahaya mooshin kalsooni kala noqosho ah, oo ay gacanta ku hayaan inta badan xubnaha golaha degaanka, kuwaasi oo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo in uu bulshada iska horkeenay.
Wararka ayaa sheegaya in duqa uu dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ka codsaday in ay soo farageliso mooshinka laga abaabulayo magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu iscasili doono haddii aysan wasaaraddu go’aan cad ka qaadan arrintaasi.
Kalfadhiga golaha degaanka Gaalkacyo oo lagu wado inuu qabsoomo berri ayaa la filayaa in ay xildhibaannadu si rasmi ah ugu soo gudbiyaan mooshinka xil ka qaadista, inkastoo ay suuragal tahay in wasaaradda arrimaha guduhu si toos ah usoo farageliso.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa lagu eedeeyay in uu u dhaqmayo sidii mas’uul loosoo magacaabay, halkii uu la shaqeyn lahaa bulshada deegaanka ee soo dooratay, waxaa lagu dhaliilay inuu dhawaan soo saaray amar lagu mamnuucayo qabashada shirar aan oggolaansho ka haysan maamulka degmada.
PUNTLAND POST