
Villa Somalia oo khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo xukuumadda Siciid Deni ayaa ku amartay mas’uuliyiinta heer Federaal ee ka soo jeeda Puntland in mid kasta degaankiisa ka qorto mileeshiyaad hubaysan oo isaga daacad u ah.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda ku maqan safar dibadeed ayaa dhammaadkii bishii hore June bilaabay in uu mas’uul kasta oo ka soo jeeda Puntland u diro abuurista mileeshiyaad hubaysan oo mas’uulkaasi daacad u ah, sida aan ka xigannay shakhsiyaad xogtooda lagu kalsoon yahay.
“Mas’uul kasta oo ka soo jeeda Puntland waxaa Villa Somalia u dirtay in uu degaankiisa ka qorto mileeshiyaad hubaysan oo isaga daacad u ah, kuwaasi oo u abaabulan beel ahaan si aysan Puntland ugu degdegin in ay tallaabo ka qaado” sidaasi waxan ka xiganay ilo wareedyo la socda dhaq dhaqaaqan cusub ee Villa Somalia bilowday.
Villa Somalia ayaa doonaysa in ay abuurista mileeshiyaadkan ku hesho saamayn ciidan oo gudaha Puntland ka fulin karta siyaasada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo kooxdiisa oo khilaaf siyaasadeed adag kala dhexeeyo Madaxweyne Siciid Deni.
PUNTLAND POST