Puntland oo si cad u beenisay in ay Macdan qodis ka bilaabayso buuraha Calmadow

Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed Rasmi ah soo saartay ayaa si cad u beenisay warqad wareegaysa, taasi oo lagu sheegay in Puntland bixisay qandaraas macdan qodis.

“Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland, waxay caddaynaysaa in aanay waxba ka jirin warqadda wareegeysa baraha bulshada ee lagu sheegay in Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ay la wado tartan qandaraas macdaneed shirkada DP World ee maamusha dekadda Bosaaso” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaraddda Tamarta iyo Macdanta Puntland.

“Waxaa kale oo Wasaaraddu cadeyneysaa in khaladaad qoraaleed ay ku jiraan warqada, oo ay ka mid yihiin, Magaca, Wasaaradda, Emailka, iyo dhamaan Taleefanada iyo ciwaanadda ku xusan warqada ee a yihiin been abuur, waxna aysan ka jirin” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka lagu beeniyay warka ku saabsan qandaraaska Macdan qodista.

Dowladda Puntland waxay uga digtay Shacabka in aan lagu jaahwareerin, laguna marin habaabin wax aan sal iyo raad toona lahayn oo looga jeedo dano siyaasadeed, si loo khalhal geliyo amniga iyo iyo wadajirka.

Hoos ka eeg warqadda Puntland beenisay

PUNTLAND POST