Abwaan Cabdirashiid oo iska casilay xubintii Xildhibaanka Baarlamaanka Puntland

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka) oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaciyay in uu iska casilay xilkaasi.

Abwaan Cabdirashiid oo hore u soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa warkan maanta kaga dhawaaqay Shir ku saabsan dhammaystirka maamul dhiska SSC-khaatumo oo ka furmay magaalada Laascaanood.

“Xubinimadii aan ka hayay Baarlamaanka Puntland waan ka tanaasulay, waxaana uga tanaasulay in aan ka shaqeeyo halganka siyaasiga ah ee dowlad dhiska iyo isu-keenka Khaatumo iyo Maakhir” ayuu yiri guddoomiye hore Abwaan Cabdirashiid oo hadalkan ka jeediyay Shirka dhammaystirka maamul dhiska Khaatumo oo ka furmay Laascanood.

Is casilaadda Abwaan Cabdirashiid ayaa imaanaysa xilli dhawaan dowladda Puntland ku eedaysay in uu abaabul ciidan iyo falal amni-darro ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag, isagoo doonayay in Sanaag iyo Haylaan ku biiraan maamulka SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST