Maxaa ka jira in doon hub iyo ajaanib sidday lagu qabtay xeebaha Puntland?

Saacadihii u danbeeyay waxa baraha bulshada qabsaday warar is khilaafsan oo ku saabsan doonni shalay ka soo caariday xeebta degaanka Il-Foocshe oo dhaca badweynta Hindiya, kana tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Haddaba, markaan baaris ku samaynay xogta ku saabsan dhacdadaasi waxaan xaqiijinay in ay jirto doonni kalluumeysi oo ku soo caariday xeebta degaanka Il-Foocshe, kaddib markii ay ku timid cillad dhinaca matoorka ah.

Doontan oo lagu magacaabo Tawakal, islamarkaana ka timid degmada Mukalla ee dalka Yemen, kuna sii jeeday magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose, waxa leh Kalluumeysato Soomaaliyeed, waxaana saaran shaqaale tiradoodu tahay 5 qof oo dhammaantood Soomaali ah, waana caafimaad qabaan.

Waxan sidoo kale xaqiijinay in aysan sax ahayn Wararka ku faafay baraha bulshada ee sheegaya in doontani hub siday, oo ay saarnaayeen shaqaale ajaanib ah, sidan ka xigannay sarkaal ka tirsan Booliska Puntland ma jirto wax rar ah oo doontu sidday.

PUNTLAND POST