
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku dhawaaqo in uu iska casilay xubintii xildhibaannimo ee Puntland.
Abwaanka Cabdirashiid oo ku sugan magaalada Laascaanood oo maanta lagu soo dhaweeyay ayaa sidoo kale la filayaa in uu guud ahaan isaga baxo siyaasaddii Puntland, islamarkaana qeyb ka noqdo shir lagu sheegay dhammaystirka Maamulka SSC-khaatumo, kaasi oo dhawaan lagu qabanayo Laascaanood.
Shirkan waxa qabanaya hoggaamiyaha SSC-khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye oo raadinaya in dadka Reer Sanaag ku soo biiraan Khaatumo, si loo buuxiyo shuruudaha Villa Somalia ku xirtay dhammaystirka Maamul Goboleed buuxa oo ay wada samaystaan bulshada ku dhaqan labada Gobol ee Sool iyo Sanaag.
PUNTLAND POST