Waa kuma shakhsiga loo saadaalinayo in uu noqdo duqa cusub ee Boosaaso?

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali (Jinac) oo lagu wado in uu ku soo baxo duqa cusub ee degmada Boosaaso ayaa saaka noqday musharrixii u horreeyay buuxiyay dhammaan shuruudihii guddiga doorashada degmadaasi.

Gudoomiyihii hore ee degmada Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle ayaa Sabtidii Todobaadkan ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii, kaddib markii ay mooshin ka soo gudbiyeen xubnihii ugu badnaa oo ka tirsan golaha degaanka Boosaaso.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/7/2025, waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Boosaaso” ayuu yiri maayirkii Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle oo warkan kaga dhawaaqay Kal-fadhigii golaha degaanka Boosaaso oo Sabtidii furmay.

Doorashada duqa cusub ee degmada Boosaaso ayaa sida qorshaysan loo ballansan yahay 09/7/2025 sida uu horay u sheegay wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo).

PUNTLAND POST