
Degaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag oo maalmahan xiisad siyaasadeed ka taagnayd ayaa saaka deggan kaddib markii uu xalay halkaasi isaga baxay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo hoggaaminaya ciidamo ka soo horjeeda Puntland.
Saraakiisha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag oo ay weheliyaan odayaasha dhaqanka degaanka ayaa ku guulaystay in ay baajiyaan Shir siyaasadeed ay maalgelinaysay Villa Somalia, kaasi oo la doonayay in lagu qabto Ceelbuh, waxaana ay ku qanciyeen Abwaan Cabdirashiid oo abaabulayay Shirka in uu isaga baxo magaalada.
Shirkan waxaa sidoo kale abaabulkiisa qeyb ka qaatay hoggaamiyaha SSC-khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye oo raadinaya in dadka Reer Sanaag ku soo biiraan Khaatumo, si loo buuxiyo shuruudaha Villa Somalia ku xirtay dhammaystirka Maamul Goboleed buuxa oo ay wada samaystaan bulshada ku dhaqan labada Gobol ee Sool iyo Sanaag.
PUNTLAND POST