XOG: Magacyada hoggaamiyaashii ugu muhiimsanaa Daacish oo lagu dilay Hawlgalka Calmiskaad

Qalfooftii hoggaamineed ee mileeshiyaadka Daacish ayaa luntay kaddib markii Hawlgalka Calmiskaad lagu dilay hoggaamiyaashii ugu muhiimsanaa qaab-dhismeedka maamul ee kooxdaasi.

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa magacyada horjoogayaashii ugu muhiimsanaa hoggaanka guud ee mileeshiyaadka Daacish ee lagu dilay Hawlgalka Calmiskaad tan iyo markii uu bilowday.

1. Ibraahim Xayaan oo u dhashay dalka Marooko wuxu ahaa Madaxii guud ee Qaraxyada u qaabilsanaa mileshiyaadka Daacish, waxaana uu kooxda u sameeyay warshad weyn oo qaraxyada farsamaysa.

2. Dr. Xakiin Cubeyda oo u dhashay dalka Malaysiya wuxu ahaa Madaxii guud ee Caafimaadka Daacish, isagoo ka mas’uul ahaa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dagaalyahannada kooxdaasi.

3. Marwaan Cabdirisaaq oo u dhashay dalka Tuunis wuxu ahaa Madaxii Garabka Ajaanibta hubaysan ee argagixisada Daacish, waxaana uu hoggaamin jiray dagaalyahanno dunida isaga yimid oo tababarkoodu aad u sarreeyo.

4. Cabdixakiin Badiin Muwallad oo u dhashay dalka Yemen wuxu ahaa Madaxii guud ee waxay ku sheegaan Xisbada una dhigma Booliska Daacish, waana garab u shaqeeya sida Booliska oo kale.

5. Barrow Cabdi Macallin waa Soomaali ka soo jeeda gobolka Gedo wuxu ku magacownaa Madaxa guud ee Xafiiska Maamulka degaannada Sheebaab-Dhasaan ee togga Jeceel (Calmiskaad).

6. Axmed Saalax Suudaani oo u dhashay dalka Suudaan wuxu ahaa Madaxa guud ee waxay ku sheegaan ‘Dacwadda’ waxaana uu qaabilsanaa in uu dadka Caamada ah ku qaldo afkaarta argagixisada.

7. Axmed Muuse Siciid waa Soomaali ka soo jeeda Puntland wuxu ahaa Madaxii guud ee Xiriirka dibadda u qaabilsanaa mileeshiyaadka Daacish waa nin ku dhashay dalka UAE oo luuqado kala duwan ku hadli jiray.

8. Axmed Macallineyn oo u dhashay dalka Cummaam wuxu ahaa ninka qorsheeya weerarrada dibadda ee argagixisada Daacish sidoo kale dunida ka soo waarida dagaallamayaasha caalamiga ah ee kooxda. Wuxu ku dhintay duqeyn.

Hawlgalka Calmiskaad oo guulaystay 98% ayaa waxa hadda socda wejigii afraad oo sifayn guud ah, kaasi oo lagu beegsanayo firxadkii u danbeeyay ee kooxda oo godad kooban ku go’doonsan.

PUNTLAND POST