Golaha degaanka degmada Carmo ee gobolka Bari oo maanta guddoomiye cusub doortay

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa maanta degmada Carmo ee Gobolka Bari ku qabatay doorashada guddoomiyaha cusub ee degmada Carmo, kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee degmadaasi.

Guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Degmada Carmo waxaa isu soo taagay Hal Musharax oo ah Maxamed Geelle Siciid, sidaasi darteed, waxay doorashadaasi u dhacday hab gacan-taag ah waxaana Guddoomiyaha cusub u codeeyay dhammaan 27 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Degmada Carmo ka koobanyahay, majirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

Waxaa datiijada Rasmiga ah ee doorashada duqa cusub ee degmada Carmo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Carmo, Maxamed Cali Shire oo si rasmi ah isaga casilay xilka Guddoomiyaha Degmada June 26, 2025, waxa uu isla maanta oo taariikhdu tahay July 04, 2025, xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub ee la doortay.

PUNTLAND POST