Madaxweyne Deni oo maanta dhagax-dhigay dib u dhiska jidka Laamiga ah ee isku xira Gaalkacyo iyo Bacaadweyn

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku tegay degaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taasi oo dowladda Puntland bixinayso dhaqaalaha lagu dhisayo.

“Waxaan maanta halkan ka dhagax-dhignay jidkan laamiga ah oo 40KM dhan kaasi oo dhaqaalaha ku baxaya uu yahay maalgelin ka timid dowladda Puntland Canshuurteeda” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Munaasabadda dhagax-dhigga wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, waxgaarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.

PUNTLAND POST