
War kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayay ku sheegeen in uu maanta socdo hawlgal xooggan oo lagu beegsanayo firxadkii mileeshiyaadka Daacish oo weli degaanno kooban kaga harsan buuraha Calmiskaad.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo warkan soo saaray ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland oo ku jira wejiga 4aad ee Hawlgalka Hillaac ay isku fidiyeen degaanno kooban oo ay weli ku harsan yihiin wixii horay uga firxaday mileeshiyaadkii Daacish.
“Ciidanku waxay maanta wadaan hawlgal ay ku sifeynayaan firxadka Argagixisada, waxay Ciidanku isku fidiyeen oo kusii siqayaan deegaannada kooban ee firxadku ku dhuuman karo” ayuu yiri Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo warkan soo saaray.
Dowladda Puntland waxay sheegtay in Hawlgalka Hillaac oo socda in ka badan lix bilood lagu burburiyay awooddii argagixisada Daaacish islamarkaana 98% laga saaray buuraha Calmiskaad, taasi oo ka dhigan in firxad yar oo baxsad ah ka harsan yahay mileeshiyaadkii kooxda.
PUNTLAND POST