
Xukuumada Puntland ayaa shir degdeg ah ugu yeertay dhamaan agaasimayaasha guud, Agaasimayaasha waaxyaha iyo isuduwayaasha wasaaradaha ee gobolada Puntland 29-June-2025 oo ku beegan Axadda todobaadka danbe, shirkaan ayaa loo bixiyay shirka dardargelinta iyo maamul baahinta Puntland.
Shirkaan oo madaxtooyada ka dhacaya ayaa ujeedkiisa waxa uu salka ku hayaa qiimayn shaqaalaha ah, in la oggaado tirada rasmi ah ee shaqada ku jirta, inta maqan, boosaaska shaqo ee banaan iyo qodobo kale kuwaas oo hadafka ugu danbeeyay yahay go’aan qaadashada isbedelka uu madaxweynuhu wado, daadejinta shaqada hay’adaha dawlada iyo in lagu wargeliyo siyaasada dowladda.
” Waxa la doonayaa axada inaad kasoo qayb-gashaan shir ka dhacaya madaxtooyada dowladda Puntland 29-06-2025 saacaddu waa 7:30AM haduu alle idmo. Fiiro-gaar ah: Maqnaanshuhu aad buu u adagyahay” farriin kooban oo loo diray dhammaan agaasimayaasha guud, Agaasimayaasha waaxyaha iyo isuduwayaasha wasaaradaha ee gobolada.
PUNTLAND POST