
Madaxtooyada Puntland ayaa u xil saartay guddi ka kooban labada wasaaradood ee Qorshaynta iyo Warfaafinta oo uu ku jiro wasiir, Maxamuud Caydiid Dirir in ay jawaab ka bixiyaan Warkii dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay mashaariicda ka xanniban Puntland.
Madaxweyne Siciid Deni oo guddigaasi xushay ayaa ka dalbaday labada wasaaradood ee Qorshaynta iyo Warfaafinta in ay si wadajira u diyaariyaan jawaab rasmi ah oo dowladda Puntland ka bixiso warkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka sheegtay mashaariicda Xamar kaga xanniban degaannada Puntland.
Tallaabadan ayaa imaanaysa, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay Madaxweyne Deni in uu hor istaag ku hayo 17 mashruuc oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka, kuwaas oo laga fulin lahaa degaanada Puntland, si bulshada looga faa’iideeyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo warkan faafiyay ayaa sheegay in dhammaan mashaariicdan ay diyaar u yihiin in la fasaxo, balse ay u baahan yihiin saxiixa Puntland si loo bilaabo fulintooda.
PUNTLAND POST