
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa Todobaadkan ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland oo la filayo in uu Kulan gaar ah kula yeesho Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo 27 bishii hore ee May shir hoose ku yeeshay dalka Imaaraatiga UAE ayaa isfaham ka gaaray mad-madow ka dhashay doorashadii Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirkooda, waxaana ay wakhtigaasi ku ballameen wada-shaqayn buuxda.
Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.
PUNTLAND POST