Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland oo ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xildhibaannada ayaa saaka la shaaciyay.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa mid mid ugu codeeyay dhammaan qodobada Ajandaha, waxaana ogolaaday 42 mudane, waxaana diiday hal xildhibaan, halka ay ka aamuseen 7 mudane, sida uu shaaciyay golaha.

Qodobada ku jira Ajandaha, waxaa kamid ah: La-xisaabtanka xukuumadda, ka doodista shaqa abuurka dhalinyarada, xasaanad siinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanadda, Ogolaanshaha/diidmada Xisaab xirka Sannad-maaliyadeedka 2024 iyo qodoba kale.

Halkaan ka akhriso Ajandaha Kal-fadhiga

PUNTLAND POST