
Dabley hubaysan ayaa fiidnimadii xalay duleedka Gaalkacyo ku dilay laba dhalinyaro ah oo ka soo baxay beer lagu nasto oo ku dhaw magaalada.
Marxuum Siciid Guure Cali oo watay baabuur Dhaweeye ah ayaa murxuumad Canab Burhaan Maxamed ka soo qaaday beer Nasasho oo ku taalla duleedka Gaalkacyo, waxaana jidka u galay dabley hubaysan oo halkaasi ku dilay labadii marxuumba.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay goobta isaga baxsadeen kooxdii geystay dilkaasi oo lala xiriiriyay aanooyin hore, islamarkaana weli laamaha Amniga Gobolka Mudug kama hadlin dhacdadaasi lagu dilay labada dhalinyarada ah.
PUNTLAND POST