
Agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, Khadar Ugaas Cabdi ayaa sheegay in ay dhanka maalgelinta ka caawinayaan Haweenka iyo dhalinyarada Puntland ee la yimaada hal-abuur ganacsi oo waxtarleh, si ay shaqa abuur u samaystaan.
Isagoo faahfaahin ka bixinayay hannaanka loo marayo maalgelinta Haweenka iyo dhalinyarada keensada hindise ganacsi uu waxtar leh, si ay shaqa abuur u samaystaan ayuu sheegay in Bankiga dowladda Puntland uu lacago deyn ah ku caawinayo ciddii la timaadda hal-abuur noocaasi ah.
“Waxaan rabnaa in aan awood siino Haweenka iyo dhalinyarada la yimaada hal-abuur ganacsi oo waxtar leh, si ay shaqa abuur u samaystaan, waxaan rabnaa in aan ku maalgelinno fikirkooda hal-abuurka ganacsi, waxaana siin doonaa lacago deyn ah oo ay ku maalgashadaan gabacsigooda, waxaan sidoo kale siin doonaa tababaro iyo la-talin joogtaa sida ugu fiican ee ay uga faa’idaystaan barnaamijkaasi” ayuu yiri Khadar Ugaas.
Agaasime Khadar Ugaas ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu tallaabadaasi u qaaday, si loo helo hal-abuur ganacsi oo horseeda shaqa-abuur, islamarkaana loo yareeyo Saboolnimada iyo Tahriibta dhalinyarada Puntland.
PUNTLAND POST