Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu qaban-qaabinayo shir ku saabsan badbaadinta Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka baaqday Shirkii uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ee la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga soo xigtay in isaguna qaban-qaabinayo Shir ku saabsan badbaadinta Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa xalay u sheegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladdiisa in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in uu Muqdisho u safrayo, kaddib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, si uu uga qeyb-galo Shirkii uu ballamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka furmaya halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ka soo xigtay madaxweyne Siciid Deni in uu qaban-qaabinayo Shir ku saabsan badbaadinta Soomaaliya oo ka qabsoomaya Garoowe, kaasi oo uu ku marti-qaadayo dhammaan siyaasiyiinta iyo mucaaridsan Villa Somalia, xildhibaannada labada aqal ee BFS iyo sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland.

PUNTLAND POST