
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo saaka warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xubno ka tirsan PEC ay xogtii doorashada Puntland u gacan-galiyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayay ku caddeeyeen in aysan sir ahayn oo horay loo baahiyay lagana heli karo nareegta guddiga doorashada dhammaan xogta la faafiyay in ay u gacan-geliyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal.
Guddiga PEC waxay sheegeen mareegtooda internet-ka laga heli karo dhammaan xogaha ku saabsan tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, tirada cod-bixiyaasha, magacyada goobaha codbixinta, dhammaan xeerarka iyo habraacada doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, taasina aysan xog sira ahayn.
“Waxaan cadaynaynaa in Dhammaan Xogaha uu sheegay in cidkale loo gacangeliyey sida; 𝙏𝙞𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙂𝙤𝙤𝙗𝙖𝙝𝙖 𝙙𝙞𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙚𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖, 𝙘𝙤𝙙𝙗𝙞𝙭𝙞𝙣𝙩𝙖, 𝙈𝙖𝙜𝙖𝙘𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙂𝙤𝙤𝙗𝙖𝙝𝙖, 𝘾𝙤𝙙𝙚-𝙣𝙪𝙢𝙗𝙚𝙧𝙠𝙖 𝙂𝙤𝙤𝙗𝙖𝙝𝙖, 𝙈𝙚𝙚𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙖𝙮 𝙜𝙤𝙤𝙗𝙪𝙝𝙪 𝙠𝙪 𝙮𝙖𝙖𝙡𝙡𝙞𝙞𝙣, 𝙏𝙞𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙞𝙨-𝙙𝙞𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙚𝙡𝙞𝙮𝙚𝙮, 𝙏𝙞𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙘𝙤𝙙𝙗𝙞𝙭𝙞𝙮𝙖𝙮𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖, 𝘿𝙝𝙖𝙢𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙓𝙚𝙚𝙧𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙃𝙖𝙗𝙧𝙖𝙖𝙘𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙙𝙤𝙤𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙢𝙖𝙖𝙢𝙪𝙡𝙤 ay yihiin xogo hore loo baahiyey oo aan sir ahayn lagana heli karo Mareegta Guddiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka guddiga PEC.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST