
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Calmiskaad.
Warqad ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu soo bandhigay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Cal-miskaad.
Shacabka Puntland oo guud ahaan gobol iyo degmo aan kala harin ayaa garab istaag buuxa u muujiyay ciidamada difaaca ee dagaalka kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish oo hadda inta badan laga saaray buuraleyda Cal-miskaad kaddib markii ciidamada Puntland kaga guulaysteen dagaalka.
Warqadda ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu muujiyay sida wejigii kowaad ee Taakuleynta Hawlgalka Ciidamada difaaca Puntland ay uga qeyb qaateen gobollada iyo degmooyinka kala duwan waxaana Taakulada Kaalinta kowaad kaga jira Gobolka Nugaal.
Halkaan ka akhriso shaxda

PUNTLAND POST