
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dagaalkii Raaskambooni ku dhex maray ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland uu muujinayo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro iyo dhaawaca soo gaaray dowlad-dhiska Soomaaliya.
“Waxaan ka murugaysannahay dhibaatada soo gaartay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sanadahan ay soo food saartay caqabado waaweyn oo wiiqay awooddooda, hoggaamin xumo iyo gelinta dagaallo aan qorsheysnayn, taas oo u muuqata burburinta awooddooda iyo dib u celinta dadaalladii muddada soo socday ee ku salaysnaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga xoreeyaan argagixisada” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo.
“Sida aan marar badan ka dignay, waxaan shaki ku jirin in wax-ka-beddelka sharci darrada ah iyo laalidda Dastuurka heshiiska lagu yahay ay ka dhalanayso colaado sokeeye oo dib u celinaya dowlad-dhiska Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan adkaynayaa baaqyada madaxda iyo hormuudka siyaasadeed ee ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo nidmaakiisu ay ku soo laabtaan dhabbaha sharciga ah, kana waantoobaan go’aammada aan loo dhammayn ee masiiriga ah ee wiiqaya midnimada iyo wadajirka dadkeenna” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan qaybaha bulshada, culimaa-uddiinka, waxagaradka iyo hormuudka siyaasadda in ay u istaagan samata-bixinta Dastuurka dalka, xoojinta nabadda iyo xasilloonida, si wadajir looga gudbo caqadaha haysta dalka a oo ay ugu horreyso wiiqidda awoodda ciidamada, laalidda dastuurka, musuqmaasuqa iyo hubanta la’aanta siyaasadeed ee ku habsatay dalka.
Halkaan ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Farmaajo

PUNTLAND POST