
Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in dhaawaca ku yimid udub dhexaadkii iska caabinta ee Israel ka soo horjeeday, iyo tuuristii Bashaar Al-Asad aysan waxba u dhimi doonin awoodda Iran.
Hadalkii ugu horreeyey ee uu jeediyey ka dib markii al-Asad xilka laga tuuray ayuu Ayatollah Khamenei uu sheegay in dadku aanay aqoon waxa iska caabintu tahay.
Waxa uu yiri, “waxay moodayaan in marka kooxaha iska caabintu ay daciifaan ay Iran-na daciifayso. Iran waa xoog awood leh, wayna ka sii xoog badnaan doontaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Xoogaggii mucaaradka ee ku sugnaa dhinaca Woqooyi Galbeed ee dalka ayaa soo afjaray xukunkii dheeraa ee qoyska reer Asad, kaas oo xulufo la ahaa Iran.
Hogaamiyaha Sare ee Iran oo ah qofka ugu dambeeya ee go’aamiya arrimaha dalka ayaa Maraykanka iyo waxa uu ugu yeeray taliska Sahyuuniyadda ee Israel ku eedeeyey inay rideen Bashaar Al-Asad.
PUNTLAND POST