Sida laga soo xigtay wargeyska The Times of Israel iyo telefishinka Channel 12 , wuxuu isku dayayaa Netanyahu inuu tijaabiyo daacadnimada kooxaha ka tirsan dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Qasa ee gacanta ku haya maxaabiista Israa’iiliyiinta.
Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa usoo bandhigay 5 milyan oo dollar , marin ammaan ah oo ay uga baxayaan xubin kasta iyo qoyskiisa oo soo wareejisa maxaabiista ay heyso , iyadoo ay intaa dheertay in ay Israa’iil gacan ka siinayso sidii uu dib u dejin uga heli lahaa dalalka uu codsado dagaalyahan kasta oo soo dhiiba maxaabiista uu hayo.
Wasiirkii xilka laga qaaday ee difaaca Israa’iil, Yoav Gallant oo u muuqda inuu arrintan ka jawaabayo ayaa maanta u gudbiyay qoysaska maxaabiista kaliya in maxaabiista lagu sii deyn karo heshiis, wax kasta oo kalena wuxuu ku sheegay inaysan suragal ahayn.
PUNTLAND POST