Maamulihii Shirkadda Amal Bankii Xafiiskeeda Qardho oo saaka dabley hubaysan af-duubteen

Dabley hubaysan ayaa saaka magaalada Qardho ka af-duubtay Maamulihii Shirkadda Amal Bankii Xafiiskeeda Qardho Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere).

Yuusuf Dheere oo ay isku hayb yihiin agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano waxa la sheegay in ay af-duubteen dabley hubaysan oo ka tirsan ehelka Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur oo xalay Ciidanka PSF ku af-duubteen Boosaaso.

Ciidamo ka tirsan PSF oo ka gadoodsan xarigga suxufi Maxamuud Jamaal Dooxo oo ka tirsan xafiiska Warfaafinta PSF islamarkaana mudda saddex bilood ah Garoowe ku xiran ayaa xalay af-duubtay Injineer Cabdirashiid.

PUNTLAND POST