
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmiya ku jooga Dalka Jibuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda u sarraysa Ururka IGAD oo uu hoggaaminayey Xoghaye kuxigeenka Sare ee IGAD Mud. Maxamed Cabdi Waare.
Hoggaamiyaha ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, Nabadda, Xasilloonida iyo Dawlad-dhiska Maamulka SSC-Khaatumo.
Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qaddarin iyo deris-wanaag, iyo doorka uu ururku ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska.
Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dawlad-hiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada.
Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo La taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha.
PUNTLAND POST