
Millatariga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan iyo duqaymo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab.
Idaacadda ku hadasha afka ciidamada millatariga Soomaaliya ee SNA Radio ayaa ku warrantay in hawlgalkaasi ay fuliyeen Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibadooda Caalamiga ah.
SNA Radio ayaa sheegtay in duqaynta laga fuliyay hawdka kala qeybiya gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud gaar ahaanna tuulooyinka Xuseen Cagay Hilowla Gaab oo ka tirsan degmada Ruun-nirgood.
Idaacadda ayaa intaasi ku dartay in hawlgalkaasi lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab islamarkaan ay dib ka faahfaahin doonto.
PUNTLAND POST