Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi ayaa maanta ka hadlay war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga ee lagu soo gebogabeeyey Mlmagaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta xukuumadda Puntland 2024-2029 ayaa sheegay wax kasta oo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga in aysan quseyn Puntland.
“Golaha wadatashiga wax kasta oo ay soo-saaraan nama quseeyaan, midnimona ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo” ayuu yri madaxweyne Deni.
Shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa maanta ka furmay Garoowe, waxaana uu socon doonaa 3 cisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.