Puntland oo qabanaysa doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhiman

Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiiradda Puntland ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashooyinka qof cod ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Sadexdaan degmo oo ka tirsan gobolka Nugaal ayaa ka haray doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland ee sanadkii hore ka dhacay Puntland.

Khilaaf u dhexeeyey siyaasiyiinta u ordayey kursiga madaxweynenimo ee Puntland iyo xukuumadii xiligaas ayaa sababay in degmooyinkaan laga hor istaagay in doorashadu ka qabsoonto.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa markii dib loo doortay sheegay inuu dhamaystirayo doorashada goleyaasha deegaanka Puntland, lana qabanayo doorashada degmooyinka dhiman.

Qodobada looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada:

1. Amniga Guud

2. Saameynta ay geysteen Roobabkii ka da’ay Puntland, sida khasaaraha Naf iyo Maal leh iyo burburka soo gaaray Waddooyinka.

3. Gurmadka dadka Roobabku saameeyeen.

4. Qorshaha Biyo- ka -saarka Gaalkacyo.

5. Kulankii Xisbiyada Siyaasadda Puntland iyo qabashada Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka harsan.

6. Iyo sida uu u socdo Ololaha daaweynta Xoolaha Puntland oo meel Wanaagsan maraya.

PUNTLAND POST