Hay’adda Sirdoonka soomaaliya oo soo bandhigtay shabakad Al-shabaab ah oo la soo qabtay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ku soo qabatay 12 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay in kooxdan ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen ‘dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xilliyada habeenkii ah’.

Sida ay qortay warbaahinta dowladdu, howlgallada NISA ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

“Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran” ayaa lagu yiri bayaan ku soo baxay warbaahinta dowladda.

PUNTLAND POST