Dawladda Federalka Soomaaliya oo sheegtay in koror uu sameeyey dakhliga dalka sanadka 2024

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare uqaadidda dakhliga gudaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in affartii bilood ee la soo dhaafay Wasaaradda Maaliyadda ay horumar wayn ka samaysay kordhinta dakhliga gudaha dalka, dib-u-habeynta dhanka sharuucda hannaanka maaliyadda, xoojinta nidaamka maamulka guud ee maaliyadda iyo dardar-gelinta in laga faa’iideystay tiknooloojiyadda casriga ah ee dhanka aruurunta vanshuuraha.

“Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii April 2022 dakhliga dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa April 2023 dakhliga dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah affartaas bilood dakhliga dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo doollar. Labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo doollar ayuu sameeyay dakhliga gudaha” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in boqolkiiba 30 inuu kordhay sanadkaan dakhliga dowladda. Sidoo kale wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in horumar laga sameeyay hannaanka canshuur aruurinta dowladda taasi oo uu sheegay in ay sababtay sare u qaadidda dakhliga gudaha.

PUNTLAND POST