Puntland: Saadaasha roobka todobaadka 6-12 May 2024

Puntland filashada roobka asbuuca 06 – 12 May 2024 ayaa ah mid dhex-dhexaad ah inta badan deegaanada Puntland una dhaxaysa (40-100)mm siday sheegtay hay’adda maaraynta xogaha biyaha Puntland.

Deegaanada Boodacad oo ah gobolka Sanaag, iyo Xaaji-khayr oo gobolka Nugaal ah ayaa la filayaa xaddiga roobku in u gaaro 100mm.

Deegaanada Beerdhagaxtuur, Tuulo-xabiibo, Labo-warood, iyo Duddun oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa lafilayaa inay ka da’aan roobab xaddigoodu sareeyo gaari karana (150-200)mm.

Dhammaan bulshada ku dhaqan deegaanada ee xaddiga roobku sareeyo ayaa la faray inay taxadar dheeriya muujiyaan kana fogaadaan meelaha biyo mareenada ah ilaa 12 May 2024.

Sadaashan roobka waa ay isbadeli kartaa xilli kasta, waxayna xarunta macluumaadka khayraadka biyaha iyo dhulka ee dawladda Puntland sheegtay in ay sidhow ula soconayso markasta isbad-badalka cimilada ee xilli roobaadka.

PUNTLAND POST