Daadad jaray buundada Qalqalooc ee u dhaxaysa Garoowe iyo Sinujiif iyo gaadiid ku xaniban

Daad ku soo rogmaday wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Sinujiif ee gobolka Nugaal ayaa jaray qaar kamid ah buundooyinka laamiga, kuwaas oo sababay inuu istaago isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala laamiga isku xira gobolada dalka.

Buundada Qalqalooc oo u dhaxaysa Sinujiif iyo buundada Midigar ayey jareen biyaha soo rogmaday, waxaana ku xaniban gaadiid badan oo ku safrayey laamiga weyn ee isku xira goboladda Soomaaliya.

Laamiga weyn ee isku xira gobolada dalka ayaa waxaa uu muhiim u yahay isu socodka safarada mana aha markii ugu horreysay oo roobabku ay buundooyinka jaraan.

PUNTLAND POST