Madaxweyne Deni oo magacaabay La-taliyaha sare ee arimaha Amniga

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo soo saaray ku magacaabay La-taliye Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga.

Madaxweyne Deni ayaa Gen. Maxamed-Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr u magacaabay La-taliye Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Aminga.

24-Nov-2021 madaxweyne Deni ayaa Gen. Amiin Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha hay,adda PSF, magacaabistaan oo khilaaf ka dhashay uu sababtay dagaal ka dhacay magaalada Boosaaso kaddib markii taliska PSF ay ka hor yimaadeen.

PUNTLAND POST